Home / Articles / Nafaqo darrada carruurta yar yar

Nafaqo darrada carruurta yar yar

Qeexidda : waa xaalad ku dhacda qofka marka uu si is dabajooga u quuto cunto aan ka koobnayn xadigii nafaqada ee saxda ahaa ee jidhku u baahnaa.

Qaybaha nafaqadarrada

  • Waxa jira labo qaybood oo waawayn oo nafaqadarradu u qaybsanto:-

 

  1. Booratiinka iyo tamarta oo ku yaraada : waa marka uu ilmuhu waayo booratiin iyo cuntooyin waawayn oo ku filan.
  2. Nafaqada faytamiinada iyo macdanaha oo ku yaraada : waa marka faytamiinada iyo macdanuhu ku yaraadaan.

 

Sababaha nafaqo darrada carruurta yaryar.

  1. Qaadashada cuntada oo yaraata: hadii ay yaraato cuntada uu ilmuhu qaadanayaa waxaa yaraanaysa xaddiga nafaqada ee uu helaayo sidaa awgeed nafaqo darro ayaa ku imanaysa.
  2. Caafimaadqabka maskaxda hooyada ama ilmaha : caafimaadka hooyadu waxa uu qayb mihiima ka qaataa.

3 . Naas nuujin la aan : ilmaha hadii aan naaska la nuujin waxa ku imanaysa nafaqo darro iyo xanuuno.

4 . dhibaatada dhaqaale ama bulsheed ee qoyska : dhaqaalaha qoyska oo yaraada waxa uu sabab u yahay nafaqo darro ilmaha ku dacda.

  1. xanuun ama xaalada caafimaad ee ilmaha : ilmaha  xanuunadu waxay ku sababaan nafaqodarro.

Baahsanaanta nafaqo darrada carruurta yaryar.

  • Inta badan nafoqo darradu waxa ay ku baahsan tahay waddamada uu dhaqaaalohoodu uu hooseeyo, sida wadamada Africa iyo qayboka mid ah waddamada Asia.
  • Inta badan nafaqodarradu waxa ay ku dhacdaa sannadka ugu horeeya ee ilmaha nolashiisa, inta u dhaxaysa sadex ilaa sagaal bilood.

 

Calaamadaha lagu garto nafoqo darrada carruurta yar yar

  1. Aamateed la aan :inta badan ilmaha ay nafoqo darradu haysaa waxa lagu arkaa amateeda la’aan oo cuntada ma qaato.
  2. In  uu daal dareemo marwalba ; sidoo kale ilmaha ay nafoqo ddaradu hayso waa mid mar walba daalla oo caajis baddan dareema.
  3. Inta badan waa qabow: ilmaha ay nafoqo darradu hayso marka aad jidhkiisa taabato waxa aad dareemaysaa qabaw.
  4. Inuu dhuubto ama jiidhgo’o: waa mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee lagu garta nafoqo darradu dhuubnida ama ilmaha oo caatooba.
  5. Inta badan xanuunadu kama baxaan.
  6. Neefsashada ayaa ku adag.
  7. Maqaarkiisu wuxu noqonayaa cadaati ,qalayl, qabow.
  8. Timuhu waxay noqonayaan caddaati qalallan oo si fudud u soo daadanaya,daamanka iyo indhuhuna way godanayaan.

Daawayta nafoqo darrada carruurta yaryar

  • Si aynu u daawayno nafoqo daraddada carruurta waxa muhiim ah in aynu beddelno cuntada ay ilmuhu quudanayaan oo aynu kadhigno mid dheelitiran oo ka kooban dhamaan qaybihii kala duwan ee nafaqooyinka cuntada ee jidhku u baahnaa.
  • Sidoo kale waxa muhiim ah in ilmaha la siiyo cuntooyin ka baxsan waqtiyadii cadiga ahaa, sida in lasiiyo laba waqti oo dheerad ah.
  • Hadii aan ilmuhu qaadan Karin cuntadda waxa muhiim ah in dhakhtar loo gudbiyo si looga taliyo oo cunto nafoqo leh loogu siiyo.
  • Sidoo kale waa in laga daweeyo hadii uu jiro xanuun k ukeenay nafoqo darrada.
  • Sidoo kale waa in la siiyo ilmaha fitmiino iyo macdanno dheeraad ah.
  • Waxaa muhiim ah in si joogto ah loo dabagallo xaaladda ilmaha iyo miisaankiisa.

 

Ka hor tagga nafoqo darrada caruurta yaryar

Wax yaabaha nafoqa darrada carruurta lagaga hor tagi karo wax aka mid ah:

  1. Naas nuujinta ; naasnuujintu waxa ay yareysaa nafaqo darrada iyo fuuqbaxa uu keeno shubanka .
  2. Sidoo kale waxa looga hortagi karaa nafoqo darrada carruurta in la siiyo hooyada marka ay uurka leedahay macdanta loo yaqaan Iodin, si ay uga hortagto in ay ilmaha Iodintu kuyaraato.

 

X/q Asma Jama Mussa

 

Comments

comments

Check Also

Joonis Cadka ( Hepatitis B )

1.0  Hepatitis B  waa   xanuunka ay soomalidu u taqaan   [ joonis cadka  amaba  cagaarshowga]. Waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *