Home / Uncategorized / Khatarta ay dawooyinku ku yeelan karaan ilmaha uurku jiifka ah

Khatarta ay dawooyinku ku yeelan karaan ilmaha uurku jiifka ah

Drugs ku waxaweeye dawo caafimaad  ama waxyaalo kale kaas oo wax ka bedali kara sida uu jidhka insaanku u shaqeeyo, xilliga ay hooyadu uurka leedahayna waxyaalo badan ayaa iska bedella sida uu jidhkeedo u shaqeeyo; isla markaana ilmaha yare e uurka ku jiraa marxado kala duwan buu maraa sagaalka bilood ee uu uurka ku jiro. Guud ahaan ma haboona in hoyada uurka leh ay daawo qaadato lakin marar badan ayey laga maarmaan noqotaa si loo badbaadiyo hooyada uurka leh ama ilmaha uurka ku jira. In ka badan 50% ee hooyooyinka uurka leh e calaamka ku nool waxay qaataan daawooyin dhakhtar u soo qoray iyo mararka qaarkood dawo aanu dhakhtar soo qorin. Ku dhawaad 2-3% caruurta ku dhasha tashawuh khalqi waxa keena daawooyin hooyadu qaadan jirtay xilligii uurka.

Dawada marka ay hooyadu qaadato waxay u martaa ilmaha mandheerta; mandheerta oo ah meesha ilmaha yar ka qaato osijiinta iyo nafaqada kuwaas oo muhiim u ah koritaanka ilmaha.

Hadaba dawada hooyada uurka leh qaadato siyaabo kalaa duwan bay u sameyaan ilmaha uurka ku jira:

  • Iyadoo ay too waxyeelo u geystaan ilmaha, iyadoo koritaanka ilmaha wax ka si noqdaan ama waxay keeni karaan dhimasho.
  • Drugs-ku waxay bedeli karaan shaqada mandheerta, taas oo keenaysa in xididadu ay dhuubtaan oo ay ilmaha ka xidhmo oxygen-ka iyo nafaqaadu sababeysana hoos u dhac ku yimaada ilmuha weight-kiisa iyo koritaankiisa.
  • Qaar waxey keeni karaan in uu muruqyada ilma galeenku isku uruuraan oo ay ka xidhaan dhiigii ilmaha u imanayey oo keenaan fool xilligeedii ka horreysa.
  • Dawooyinka pressure-ka dhiiga hooyada hoos u dhiiga waxay keeni karaan in ay hoos u dhigaan hor u socodka dhiiga tagaya mandheerta dabadeedna hoos u dhac ku keeni kara oxygen-ta iyo nafaqada gaadhaysa ilmaha uur ku jiifka ah.

 

Xilliga uurka marxalada uu ilmuhu marayo iyo saameynta ay dawadu ku yeelan karto uur ku jiifka

Waqtiga iyo xaalada uur ku jiifku ku suganyahay Waxyeelada ay dawadu u geysan karto ilmaha
20 cisho ee ugu horreeya ee hooyadu ilmaha qaado, ilmaha uurku jiifka ahí wuxuu resistance ka leeyahay tashawuh khalqi ku dhaco Laba mid uun bay ku keeni kartaaa dawadu, in aanay waxba yeelin iyo in ay ilmaha disho
3-8 week, waa xiliga ilmaha  organs-ku sameymayaa, taas oo ka dhigaysa ilma in uu unuglaado in ay ku dhacdo tashawuh khalqi Miscarriage: in ilmuhu soo qubto

Tashawuh khalqi oo la arki karo

Tashawuh daa’im ah lakin aan hore loo ogaanin

In khatarta ugu jiro kanserka caruuurta ilmha uur ku jiifka ahi

Sadexda bilood ee dhexe iyo saddexda ugu dambeeya ilmaha organs-ka sameysankoodii wey u  dhameystirmeen Dawadu xiligan ma keento tashawuh khalqi oo muuqda

Lama yaqaan saameynta ay dawadu ku yeelan karto hadii muddo-dheer la qaato

 

Talaalada iyo xiliga ay hooyadu uurka leedahay

Talaalada ka sameysan virus-ka nool sida talaalka rubella iyo varicela ma qaadan karto hooyada uurka leh. Talaalada kala ah cholera, hepatitis A and B, plague, rabies, and typhoid waxaa la siin karaa oo kaliya marka hooyada uurka leh ay ku nooshahay meel ay xanuunadaasi ka dilaaceen oo kaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dhamaan hooyooyinka uurka leh ee saddexda bilood ee dhexe iyo saddexda dambe ku jiraa waa in ay qaataan talaalka teetanada- diphthera-kixda (Tdap) xiliga u dhexeeya 27-36 week ee uurka.

 

Cabidda sigaarka xilliga uurka hooyadu leedahay

In kastoo ay ku yartahay bulshada Somaliyeed dumarka sigaarka caba; hase ahaatee, cabida sigaarku waxyeelo ayey u geysaa hoyada uurka le ilmahaba. Sameynta ugu caansan ee lagu arko ilmaha u dhasha hooyada sigaarka cabta waxa weeye in ilmaha yar ku dhasho weight aad uga yar ka dabiiciga ah. Mar kastoo hooyadu badsato cabidda sigaarka ilmaha uurka ku jirana wuu sii nusqaama weight-kiisu. Sido kale ilmaha hooyada sigaarka cabtaa wuxuu ku dhashaa birth defects xaga maskaxda, wadnaha iyo wajigaba ah.

Ugu dambeytii, dawo kasta oo pharmacy-ga taal khatar dhib ma keento tusaale ahaan dawooyinka vitamin-nada ah sida vit B9 (folic acid) iyo vit B12 waxay muhiim ugu yihiin ilmaha koritaakiisa lakin dhibaatada waxaa keena dawooyin gaar ah, tusaalayaal ka mid ah page-kaa ka akhri https://www.msdmanuals.com/home/women-s-health-issues/drug-use-during-pregnancy/drug-use-during-pregnancy . Dawooyinkani group kastoo dawooyinka ah wey ku jiraan sida antibiotics-ka, dawooyinka dhiig kaka, anti-depression-ka iyo kuwa kaleba. Markaa waxaa muhiin ah in ay hooyada uurka lehi la xidhiidho dhakhtar ama shaqaale caafimaad ka hor inta aanay qaadan wax dawo ah.

Reference

Ravindu Gunatilake, MD, Director of Clinical Perinatal Medicine and Avinash S. Patil, MD, Director, Center for Personalized Obstetric Medicine; Drug Use during Pregnancy. Available at https://www.msdmanuals.com/home/women-s-health-issues/drug-use-during-pregnancy/drug-use-during-pregnancy.

Comments

comments

About Sixah Academy

Sixah academy is a platform created to help, support and encourage everyone who is committed to lead a healthy lifestyle.

Check Also

Buuga Nafaqee Oo Kori Ilmahaaga

Buugani waa buug ka dhashay baahi ka timid bulshada soomaliyeed gaarahaan hooyoyinka, kuwaas oo inbadan …

One comment

  1. Mnsha allh wll mahadsanid waa arin loo baahnaa in laga hdlo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *