Home / Articles / Joonis Cadka ( Hepatitis B )

Joonis Cadka ( Hepatitis B )

1.0  Hepatitis B  waa   xanuunka ay soomalidu u taqaan   [ joonis cadka  amaba  cagaarshowga]. Waxa keena virus loo yaqaan Hepatitis B Virus [HBV]. Virus kani waxa uu weeraraa beeraka kuna keena caabuq amaba infection.

1.1  sidee ayuu caam u yahay xanuunkani?

Waxa lugu qiyaasaa in ka badan 275 million oo qof inay qabaan xanuunkan  kuwaas oo ku kala nool daafaha dunida.  Cudurkani waxa uu inta badan ku badan yahay dadyawga ku nool  wadamo badan oo ka mid ah  Afrika ah , Koonfurta Bari  ee  Aasiya,  Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.

1.2   sidee layskugu gudbiyaa xanuunkan:

  1. iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo
    2. Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
    3. In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jeexan qof qaba cudurka.
  2. sexual contact
  3. waxa dhici karta in ay hooyadu u gudbiso ilmaha caloosha ku jira iyada oo u dhex marinaysa madheerta.

1.3 calaamadaha cudurkan :

  1. muruqyo xanuun
  2. indhaha iyo maqaarka jidhka oo huruud noqda.
  3. xumad
  4. beerka oo danqada[ xanuuna]
  5. matag iyo yalaalugo
  6. miisaanka oo is dhima

1.4  xanuunada kale ee uu keeni karro haddi aan la daawayn

  1. liver cancer: kansarka beerka bukaanada qaba xanuunkani waxay aad ugu nuqulyihiin in uu ku dhaco kansarka beerku.
  2. liver failure : beerka oo shaqadii allah u abuuray joojiya haddi ay dhacdo xaaladani waxa laga maarmaan ah in laga badalo bukaanka beerka.
  3. kidney disease: mararka qaar waxa dhacda bukaanada qaba in badan xanuunkan in ay kalyuhu xanuunaan amaba ay fadhiistaan oo ay shaqadii loogu talogalay joojiyaan.

1.5 sidee loo baadhaa xanuunkan

  1. waxa jirta iyadoo oo si fudud loo baadho taas macnaheeedu waxa weeyo [Rapid method detection] iyadoo la isticmaalo waxaanad ku ogaan kartaa muddo 15 daqiiqo gudahood .

1.6   ma  suurto gal baa in daawo la helo?
Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin xanuunkan . Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal’ jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan xanuunkan  aan la daweyn Karin qaar
ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.

1.7       talaal ma leeyahay xanuunkani?

Haa waxa jira talaal loogu talagalay xanuunkan . talaalkan waxa qaadan karra dadka aanuu wali asiibin xanuunkani si ay ugu noqoto ka hortag.

Talaalkan waxa la qaataa saddex mar oo kala duwan waxaanay kala yihiin

  1. Bisha koowaad ayaad kaadatay
  2. Bil ka bacdi ayaad qaadanaysaa
  3. Saddex bilood kadib ayaad hadana qaadanaysaa talaalkii ugu danbeeyey

Intaas kadib waxa muhiim ah inaad samaysid dub u eegis caafimaad si aad u ogaatid in uu kuu shaqeeyey talaalkii iyo in kale.

Ka hortaga ayaa ka fiican iska daawaynta  haddii aad imika ka caafimad qabtid cudurkan qaado talaalka si aad uga hor tagto xanuunkan dhibtiisa.

Comments

comments

About Sixah Academy

Sixah academy is a platform created to help, support and encourage everyone who is committed to lead a healthy lifestyle.

Check Also

Faa’idooyinka naas nuujinta Ee ilmaha iyo hooyada.

 Hor dhac. Ilmaha yare ee aduunka ku cusubi si uu u badbaado, koro una kaalin …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *