Home / Articles / Faa’idooyinka naas nuujinta Ee ilmaha iyo hooyada.

Faa’idooyinka naas nuujinta Ee ilmaha iyo hooyada.

 Hor dhac.

Ilmaha yare ee aduunka ku cusubi si uu u badbaado, koro una kaalin qaado waxa lagama maarmaan u ah naasnuujinta wacan oo si hagar la,aan ah loo siiyo.

Caanaha naaska hooyadu waxa ku badan waxyaabaha ilmuhu u baahan yahay in uu helo quudin ahaan sida: sonkor, biyo, borootiin iyo walxo difaac oo hooyada jidhkeeda laga helo.

Sidaas awgeed ilmaha loo nuujiyo si haboon wuxu ka badbaadi karaa Ilahay idamkii xanuuno badan oo caruurta aduunka galaaftay una horeeyaan OOFTA iyo SHUBANKU.

Waxa cilmi baadhis lagu ogaaday in ilmaha aan  la naasnuujin 6 bilood ee nolosha ugu horaysa uu 15 jeer uga dhawyahay inuu u dhinto xanuunada ooftu ugu horayso,  marka la barbar dhigo ilmaha si wacan loo nuujiyay.

Haayada caafimaadka aduunka ee WHO waxay ku qiyaastay in 220,000 caruur ah sanadkastaba lagu badbaadiyo naas nuujin qudha.

Dambarka oo ah caanaha ugu horeeya ee hooyada umusha ka dib, waa quudka ugu haboon ilmaha dhashay saacada koobaad ee noloshiisa.

Ilmaha saacada ugu horaysa dambarka lagu canqariyaana wuxuu 3 jeer uga dhawyahay badbaadada ka aan la siinin.

Hooyooyinka soomaaliyeed waxa lagu qiyaasa in 5% qudhi si wacan u naas nuujiyaan ilmahooda in kastoo tiro badani nuujiso ma raacaan habka loo yaqaan (EXCLUSIVE BREAST FEEDING) kaas oo ah inaan ilamaha naaska haba yaraatee wax kale loogu darin 6 bilood ee ugu horaysa noloshiisa.

Faa,idooyinka naasnuujinta ee ilmaha yar.

  • Waa nafaqada ugu haboon ilmaha dhashay, waxaana laga helaa dhamaan noocyada cuntada jidhku u baahan yahay oo dheeli tiran.
  • Caanaha hooyada waxa ku badan difaaca jidhka, kaasoo ka difaaca ilmaha jeermisyo badan sida bacteria iyo viruses.
  • Waxay ka caawisa inuu ilmuhu ka fayoobaado xiiqda iyo allerjiga.
  • Waxay yaraysaa bookhashada dhakhaatiirta ee caruurta gaar aaan cudurada oofta,shubanka iyo dhego xanuunka.
  • Waxa lala xidhiidhiya naasnuujinta wanaagsani in ilmaha garaadkiisa kordho caruurnimadiisa.
  • Naasnuujintu waxay kor u qaadaa xidhiidhka hooyada hooyada iyo ilmaha, waxanay abuurta dareen qoto dheer.
  • Naasnuujintu waxay ilmaha ka caawisaa inuu helo miisaan sax ah.
  • Naasnuujintu waxay yaraysaa dhimashada degdega ah ee caruurta dhalata(sudden infant syndrome).
  • Ilmaha si wacan loo naasnuujiya wuxu ka faa,idaysta talaalka in ka badan ka aan la talaalin.
  • Naasnuujintu waxay hoos u dhigtaa macaanka ku dhaca caruurta iyo cayilnaanta.

Faa,idooyinka naasnuujinta u leedahay hooyada.

  • Dheecanada caanaha sameeya sida oxytocin wuxu hooyada ka caawiyaa in ilma galeenku soo ururo, dhiigi dhalmada ka horna yaraado.
  • Waxa yaraada miisaanki fuulay hooyada xiligii uurka, sidaas awgeed naasnuujintu waa hab lagu yareeyo miisaanka hooyada.
  • Caanaha naasku uma baahna Karin, diirin, qasid iyo sugitaan toona, waa cunto ilahay diyaariyay kaliya u baahan in la isticmaalo.
  • Naasnuujintu waxay hooyada ka yaraysa in lafaheedu jilcaan markay waynaato(osteoporosis).
  • Waxay hoos u dhigtaa naasnuujintu kansarka ku dhaca naasaha,ilma galeenka iyo bacdanaha kale sida ovaries.
  • Naasnuujintu waa habka ugu haboon eek ala korinta caruurta, lixda bilood ee ugu horaysa hadii si wacan loo sameeyo in hooyadu uur qaado ayaa yaraanaysa.
  • Lacag badan ayay kuu kaydinaysaa naasnuujintu.

Ma dhabaa dooda hooyooyinkee ah caano ku filan ma lihi?

  • Runtu waxa weeye hooyo kastaba waxay leedahay caano ku filan ilmaheeda ay umushay.
  • Mar kastoo ilamahaga jaqsiiso ama aad badiso naasnuujinta waxa badanaya caanaha la samaynaayo.
  • Haba yaraadan caanaha naasku, laakin waxa badan xadiga nafaqo ah ee ilmuhu ka helaayo.
  • Sida caadiga ah ilmuhu miisaan ayuu lumiyaa 10ka cishee hore, tani marnaba lama xidhiidho in caanuhu ku yar yihiin.
  • Ha ugu darin naaska biyo, sharaab ama caano kale 6 bilood ee ugu horeeya nolosha ilmaha.

Ma jiraan dhibaatooyin caafimaad oon ilmaha loo naasnuujin Karin?

Waxay dhici kartaa, cuduro ilmaha naaska loogu gudbiyo inkastooy tahay inaad dhakhtar kala tashato.

Sida:

HIV(aydhiska),HBV(joona cadka), TB aan la daawayn.

Waxa kaloo jira daawooyin aan u haboonayn ilmaha naaska jaqaya.

Imisa jeer ayaa ilmaha la naasnuujinaya?

Xad iyo tiroba haw yeelin, marka ilmuhu dhasho saacad gudaheed waa in loo bilaaba,

In ka badan 12 jeer waa in maalinti iyo habeenki la siiya naaska, taas macneheedu waa saacad kastaba sii ama ugu yaraan labadii saacba mar iyadooy ku jirto habeenkiina,una dulqaado.

Ha sugin inta ilmahaaagu toosayo haduu seexdo, haduu wax jaqis bilaabo sida dibnaha,gacanta ama xamxamaarto ha sugin in uu ooyo, waayo intaas ayaa kuugu filan calaamad gaajo.

Diyaariye:

Dr. Hussein Ahmed Jama

About Author

Dr Husien jama is a Medical Doctor Graduated from University of Hargeisa year 2015. He is currently working at Mohamed Adan Sheikh Children and Teaching Hospital. He also volunteers for the famine effected people in rural areas of Somaliland.

Comments

comments

About Sixah Academy

Sixah academy is a platform created to help, support and encourage everyone who is committed to lead a healthy lifestyle.

Check Also

Nafaqada Aasaasiga Ah

Jidhka aadamigu si uu noqodo mid caafimaad qaba waa in uu helaa cunto dheeli tiran …

One comment

  1. Asc wax aan ran inad idin ku soo biro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *