Home / Articles / Cuntooyinka ugu muhiimsan ee ay tahay inay qaadato hooyo uur leh

Cuntooyinka ugu muhiimsan ee ay tahay inay qaadato hooyo uur leh

Cuntooyinka ugu muhiimsan ee ay tahay inay qaadato hooyo uur leh

 

Hooyada uurka leh waxay ubaahan tahay in ay hesho cuntooyin nafaqaysan isla markaana dheeli tiran , si ay uwanaagsanaato xaalada caafimaad ee hooyada iyo ilmaha. Cunista cunto nafaqaysani waxay ka qayqaadata korintaanka jidheed iyo maskaxeed ee ilmaha.

Koriinka iyo caafimaad qabku ilmuhu wuxuu ku xidhan yahay xanaanaynta hooyadu siiso nafteeda iyo cuntada ay qaadanayso nooca ay tahay.

Hooyada aan qaadan cunto aan nafaqaysnanyn ama aan dheelitirnayn waxay la kulmi doonta xaalad caafimaaad daro oo soo wejehda iyada iyo ilmahaba.

Ma jirto hal cunto oo laga heli karo dhamaan nafaqada ay hooyo ubaahan tahay xiliga uurka ay leedahay

Hadaba halkan hoose waxaynu ku xusi doona qaar kamida cuntooyinka nafaqada leh ee ay tahay inay qaadato hooyo uur leh, waxaana ka mida cuntooyinka Beedka, Timirta, Kalluunka, Muuska, Caanaha, Cuntooyinka cagaaran ee khudrawaatka ubadan iyo cuntooyinka galka leh, aynu xusno qaar ka mida ah:

B-Beedka:beedku wuxuu qani ku yahay proteinka iyo maado loo yaqaano kooline(choline) taaso kor uqaada koriinka maskaxda ee imaha

T-Timirta: timirta waxa ku jirta sonkor (glucose) dabiici ah taaso ay hooyadu ka helayso tamar (energy)

J-caanaha: caanuhu waxay qani ku yihiin macdanta loo yaqaan calcium iyo proteins kuwaaso ka qayb qaata samaysanka iyo adkaynta lafaha

Comments

comments

About Sixah Academy

Sixah academy is a platform created to help, support and encourage everyone who is committed to lead a healthy lifestyle.

Check Also

Faa’idooyinka naas nuujinta Ee ilmaha iyo hooyada.

 Hor dhac. Ilmaha yare ee aduunka ku cusubi si uu u badbaado, koro una kaalin …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *