Home / Uncategorized / Caanaha Naaska maxaa lagu badiyaa?

Caanaha Naaska maxaa lagu badiyaa?

Hooyooyin badan  waxa ay ka cawdaan in uu yar yahay soo saarka caanahoodu taasina waxy warwargalisaa hooyooyinka iyagoo u malaynaya in ilmahoodu aanu helayan quud ku filan.
Hadaba bal aan isla eego maxaa yareeya caanaha naaska? Maxaase lagu badiyaa?

Soosaarka caanaha naaska wax maamula dheecano jidka ah, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in ay hooyadu hesho hurdo ku filan, nasasho ku filan iyo cunto dheelitiran si ay ilmaheeda ugu soo saarto caano ku filan.

Intaas marka laga imaado waxa iyana muhiim ah in Naagku yahay Muruq, sidaa awgeed jiqid badan ayuun bay caano badan ku imanayaan. Hadii ilmaha yar aanu si wacan u jaqayn oo caanuhu aanay naaska ka baxay waxa la yaraynayaa soo saarida caano kale maadama caanihii hore ku jiraan. Tani waxa xal looga dhigaa in hooyadu caanaha naaska iska liso kadib marka uun ilmuhu jaqo si caano kale loo soo saaro.
Hooyooyin badan waxay ka cawdaan in ilmahoodu naaska u cabi waayay, Sababta ugu wayna waxa weeyan iyaga oo aan si wacan afka ugu galinayan.  Tanina waxa xal u ah in hooyo kastaa ay lagama maarmaan tahay in ay barato qaababka kala duwan ee naaska loo siiyo ubadka.

Ma jiraan cunooyin badiya soo saarida caanaha naaska?

  • Biyo Badan ama Caano badan
  • Boorash

Cuntooyinka galka leh sida (Sareenka, Qabandiga iyo Garoga)

Comments

comments

About Sixah Academy

Sixah academy is a platform created to help, support and encourage everyone who is committed to lead a healthy lifestyle.

Check Also

Buuga Nafaqee Oo Kori Ilmahaaga

Buugani waa buug ka dhashay baahi ka timid bulshada soomaliyeed gaarahaan hooyoyinka, kuwaas oo inbadan …

2 comments

  1. Masha Allah Allah ha idin abal mariyo wllo

  2. Mnsh allah wll. Mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *